Garaad
    KoorsooyinkaChallengeBulshadaBlogLaunchpad
    Dhammaan Qoraalada

    Sidee howsha ukala horeysa (product engneering)

    A
    abdishakuuralimohamed
    Maarso 1, 2026
    2 daqiiqo
    La wadaag
    Sidee howsha ukala horeysa (product engneering)

    Raadi Blogga

    La wadaag

    🚀 Sidee loo kala saaraa mudnaanta Featureska App-kaaga?

    Dad badan oo wax dhisa waxay ku wareeraan: "Maxaan dhisnaa marka hore?

    Maxaase iska indha-tiri karnaa?" Khaladka ugu weyn waa in lagu lumiyo waqti qurxin, Buttons oo la bedbeddelo, ama waxyaabo aan wax qiimo ah u lahayn qofka isticmaalaha ah (End User).

    Haddii aadan aqoon halka aad u socoto, sifo kasta waxay kula noqonaysaa mid muhiim ah. Si aad u dhisid alaab (Product) guulaysata, raac talaabooyinkan: Yeelo "Waa maxay sababtu?" (The Why):

    Feature kasta oo aad ku darayso waa inay leedahay sabab xooggan oo u adeegaysa hadafkaaga guud. Haddii aysan hadafka kaxaynayn, meesha ka saar. Noqo "Customer Centric"

    (Sida Amazon): Diiradda saar qofka isticmaalaha ah iyo dhibka haysta. Maahan waxa adiga kuu qurux badan, ee waa waxa isaga dhibka ka furaya.

    Ku bilow MVP (Minimum Viable Product): Dhis Features ugu yar ee shaqayn kara si aad jawaab-celin (Feedback) uga hesho dadka. Ha sugin inta aad wax walba dhammaystirayso.

    Raac Xanuunka (Pain Points): Markaad hesho feedback-ga, dhis Featureska xallinaya xanuunka ugu weyn ee ay macaamiishu ka cabanayaan ilaa aad ka gaarto Product-Market Fit. Aamin Dareenkaaga (Intuition): Mararka qaarkood, macaamiishu ma oga waxa ay u baahan yihiin ilaa aad adigu tusid.

    Halkaas waa meesha ay ka soo gasho "Intuition-ka" iyo aragtidaada fog. Xusuusnow: Product engineering maahan in wax walba la dhiso, ee waa in si sax ah loo doorto waxa dhabta ah ee isbeddel samaynaya.

    Maxay kula tahay? Ma tahay qof raaca rabitaanka macaamiisha mise qof raaca dareenkiisa iyo aragtidiisa (Intuition)? Noo reeb ra'yigaaga! 👇 #Garaad #ProductEngineering #StartupSomali #TechLeadership #MVP"

    A
    Qoraaga

    abdishakuuralimohamed

    Waa maamulaha iyo qoraaga ka tirsan kooxda Garaad STEM. Waxa uu halkan kula wadaagaa aqoontiisa iyo khibradiisa ku aaddan technology-da.

    Ku biir liiska aqristayaasha

    Hel ogeysiisyada qoraalada cusub isla marka la daabaco.

    Qoraaladaan xiiseey

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    3/16/2026
    Geerida Syntax-ka iyo Guusha Garaadka

    Geerida Syntax-ka iyo Guusha Garaadka

    3/16/2026
    Hal Saac Maalintii: Ma haysataa waqti aad Code ku barato?

    Hal Saac Maalintii: Ma haysataa waqti aad Code ku barato?

    3/13/2026
    Garaad

    Alaabta

      Explorer — €29/bilKoorsooyinBlog

    Shirkadda

    • Nagu saabsan
    • Shaqo

    Xiriir

    • Info@garaad.org
    • garaad.org
    Shuruudaha IsticmaalkaSiyaasadda Sirta
    FacebookTwitterLinkedInGitHub

    © Garaad, Org. Barnaamijku waa mid loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, isagoo diiradda saaraya STEM.

    Made with love in somalia 😊