Mustaqbalka Ganacsiga: Ma hal qof baa qaban kara shaqadii koox dhan?
Dunidu waxay u guuraysaa xilli aan loo baahnayn boqolaal shaqaale ah si loo dhiso boqortooyo ganacsi oo caalami ah.
Waxaa soo baxaya jiil cusub oo ganacsato ah oo loo yaqaanno "Solopreneurs" — kuwaas oo isticmaalaya xoogga AI iyo automation-ka si ay u tartamaan shaqooyinkii horey ay u qaban jireen shirkadaha waaweyn.
Tusaale:
• Telegram: Waxay maamushaa in ka badan 1 bilyan oo isticmaale, iyadoo leh koox injineero ah oo ka yar 40 qof. Taas waxay ka dhigan tahay in hal injineer uu mas'uul ka yahay malaayiin qof!
• Midjourney: Shirkad soo saarta sawirada AI oo dakhliga sanadlaha ah ee bilyan dollar ku dhow, haddana kooxdeedu ay aad u yartahay.
Maxaa isbeddelay?
Hadda, qofka kaliya ee ganacsiga wada (One-man company) ma ahan qof "yar." Waa qof haysta agabkii shalay u oggolaan lahaa:
1. AI as a Partner: AI-gu waa kaaliyahaaga kowaad; laga bilaabo qorista code-ka illaa suuqgeynta.
2. Scalable Systems: Waxaad dhisi kartaa app maamulaya malaayiin qof adigoon haysan xafiis weyn, adoo adeegsanaya daruuraha (Cloud computing).
3. Efficiency over Size: Muhiimadu ma ahan inta qof ee xafiiska fadhida, bakiin waa inta "Garaad" iyo xirfad ee la geliyay nidaamka (System).
Sidee Garaad kuugu caawin karaa?
Halkan Garaad ayaan ku diyaarinay si aan kuu siinno khibradda iyo nidaamka aad ku noqon lahayd mid ka mid ah kuwa hormuudka u ah kacaankan. Waxaan kaa caawineynaa:
• Inaad dhisto Apps waaweyn oo nidaamsan.
• Automate shaqooyinka kugu adag.
• Inaad "Vision"-kaaga u beddesho mid dhab ah adoo adeegsanaya tiknoolajiyadda ugu dambaysay.
Booqo: Garaad.org/courses
abdishakuuralimohamed
Waa maamulaha iyo qoraaga ka tirsan kooxda Garaad STEM. Waxa uu halkan kula wadaagaa aqoontiisa iyo khibradiisa ku aaddan technology-da.

