Garaad
    KoorsooyinkaChallengeBulshadaBlogLaunchpad
    Dhammaan Qoraalada

    Geerida Syntax-ka iyo Guusha Garaadka

    Barashada code-ka keligeed hadda ma ahan dammaanad shaqo. Xilligii AI-gu uu qabanayo farsamadii gacanta, waxa kala saari doona guusha iyo guuldarrada ma ahan inta luqadood ee aad taqaan, balse waa inta le'eg ee aad leedahay Judgment iyo Jihayn. Baro sida loo fekero, ma ahan kaliya sida loo qoro line-ka code-ka.

    A
    abdishakuuralimohamed
    Maarso 16, 2026
    2 daqiiqo
    La wadaag
    Geerida Syntax-ka iyo Guusha Garaadka

    Raadi Blogga

    La wadaag

    Jiil dhalinyaro ah ayaa loo sheegay hal shay.

    Baro code-ka. Tech-ga soo gal. Taas baa ah xirfad adag, lagu kalsoonaan karo, iyo skill mashiinnadu aysan marnaba taaban karin. Saas darteed dhalintu aad bay u shaqeeyeen, casharo badan bay qaateen, portfolio-yo bay dhisteen, qorshahana way ku kalsoonaadeen.

    Qofna uma sheegin in plan-kaas uu leeyahay expiry date.

    Hadda, AI systems-ka ayaa qoraya code, tijaabinaya, debug-garaynaya, oo deploy-gareynaya — ayadoon bini'aadam taaban line kaliya.

    Shirkadihii horay u shaqaalaysiin jiray 10 junior developer waxay hadda shaqaalaysiinayaan 2.

    Boosaskii entry-level ee la rabay inay noqdaan tallaabada u horaysa ee jaranjarada ayaa si aamusnaan ah u lumaya. Tani ma ahan wax mustaqbalka la saadaalinayo. Hadda ayay dhacaysaa.

    Waxa keliya aan lumaynin ayaa ah judgment-kaaga. Awoodda aad uga fikiri karto wax ka sarreeya tool-ka. Inaad ogaato waxa la dhisayo iyo sababta. Inaad weydiiso su'aasha saxda ah ka hor inta aadan mashiinka amrin. Inaad dhibaatada u fahamto heer uusan AI gaari karin, sababtoo ah marnaba ma uusan noolaan nolol dhab ah.

    Dadka sida fiican uga gudbi doona isbeddelkan ma ahan kuwa bartay syntax-ka ugu badan. Waa kuwa dhistay jihayn dhab ah. Kuwa dhistay maskax, ee aan dhisin skill set kaliya.

    Taas baa mar walba ahayd shaqada rasmiga ah. Xilligan ayaa ka dhigay mid ka sii degdeg badan.

    Haddii aad ka fikirayso horumarinta naftaada booqo — Garaad.org

    A
    Qoraaga

    abdishakuuralimohamed

    Waa maamulaha iyo qoraaga ka tirsan kooxda Garaad STEM. Waxa uu halkan kula wadaagaa aqoontiisa iyo khibradiisa ku aaddan technology-da.

    Ku biir liiska aqristayaasha

    Hel ogeysiisyada qoraalada cusub isla marka la daabaco.

    Qoraaladaan xiiseey

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    3/16/2026
    Hal Saac Maalintii: Ma haysataa waqti aad Code ku barato?

    Hal Saac Maalintii: Ma haysataa waqti aad Code ku barato?

    3/13/2026
    Ma Samayn Karaa Tan?

    Ma Samayn Karaa Tan?

    3/11/2026
    Garaad

    Alaabta

      Explorer — €29/bilKoorsooyinBlog

    Shirkadda

    • Nagu saabsan
    • Shaqo

    Xiriir

    • Info@garaad.org
    • garaad.org
    Shuruudaha IsticmaalkaSiyaasadda Sirta
    FacebookTwitterLinkedInGitHub

    © Garaad, Org. Barnaamijku waa mid loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, isagoo diiradda saaraya STEM.

    Made with love in somalia 😊