Client-Side vs. Server-Side: Meesha uu Code-kaagu ku Shaqeeyo.
Marki la joogo Dhismaha barnaamijyada (Web architecture), goobta uu code-ku ku fulayo ayaa go'aamisa Security-ga, Xawaaraha, iyo Muuqaalka nidaamkaaga(UI). Inaad kala garato labadan waa waxa kala saara qofka barbaarta ah iyo midka xirfadlaha ah.
1. Client-Side: Khibradda Adeegsadaha
Goobta: Waa Browser-ka qofka isticmaalaya (Laptop ama Mobile).
Tech: HTML, CSS, JavaScript.
* Shaqada: Waa is-dhexgalka iyo UI (User Interface).
* Faa'iidada: Waa degdeg; wax kasta oo ka dhaca UI-ga si dhakhso ah ayay u muuqdaan.
* Khatarta: Code-ka dhankan yaala qof kasta waa arki karaa, waana beddeli karaa. Weligaa halkan ha dhigin sir (Secrets) ama xaqiijinta muhiimka ah ee xogta.
2. Server-Side: Isha Runta ah
Goobta: Waa Computer fog (Server) oo meel kale yaala.
Tech: Node.js, Python, SQL.
* Shaqada: Waa amniga (Security), kaydinta xogta, iyo caqliga barnaamijka (Business Logic).
* Faa'iidada: Xakameyn buuxda. Adeegsaduhu ma arki karo, mana beddeli karo code-ka dhankan yaala.
* Khatarta: Daahitaan(slow). Shaqo kasta waxay u baahan tahay in internet-ka laso dhex marsiiyo, taas oo qaadata waqti yar (milliseconds).
Tusaale: Marka qof cusub la diiwaangelinayo
* Client-Side: Waxay hubisaa in email-ku sax yahay inta uu qofku wax qorayo si uusan u sugin xogta. (Speed)
* Internet: Xogta waxaa loo diraa Server-ka si loo kaydiyo.
* Server-Side: Waxay dib u hubisaa xogta si loo hubiyo inaan la soo khiyaamin UI-ga. (Security)
* Server-Side: Password-ka ayay qarisaa (Hashing), ka dibna waxay ku kaydisaa Database-ka.
* Client-Side: Waxay heshaa farriin odhanaysa "Waa lagu guulaystay," ka dibna waxay qofka u gudbisaa bogga kale.
Client-ga u isticmaal quruxda iyo fudaydka, Server-kana u isticmaal Amniga.
abdishakuuralimohamed
Waa maamulaha iyo qoraaga ka tirsan kooxda Garaad STEM. Waxa uu halkan kula wadaagaa aqoontiisa iyo khibradiisa ku aaddan technology-da.

