Garaad
    KoorsooyinkaChallengeBulshadaBlogLaunchpad
    Dhammaan Qoraalada
    Productivity
    Tech Career
    80/20 Rule
    Career Growth
    Garaad
    Focus
    Developer

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Maalinta oo dhan ma mashquulsanayd, laakiin markaad maalinkaga eegto ma daremeysa ineynan waxba is bedelin? Daalku maaha horumar. Waa kan sidaad uga bixi lahayd dabinka "mashquulka" oo aad xoogga u saari lahayd shaqada dhab ahaan results-ka keenta.

    A
    abdishakuuralimohamed
    Maarso 16, 2026
    3 daqiiqo
    La wadaag
    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Raadi Blogga

    La wadaag

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Qofna kuuma sheegayo arrintan ilaa ay waqti dambe noqoto.

    Waxey maalmo badan dhamaan jireen anigoo gabi ahaanba daallan — inbox-ka nadiifiyay, calls-ka sameeyay, notes-ka qoray, tabs-ka xiray, dareemayana inaan wax weyn qabtay.

    Kadib waxaan eegi jiray waxa dhab ahaan isbedelay.

    Waxba.

    Product-gii wuxuu joogaa halkiisii. Ma jiraan users cusub. Go'aan dhab ah lama gaarin. Keliya waxan arka liis dheer oo waxyaabo ah oo aan farta ku fiiqi karo oo dhihi karo "anigaa sameeyay."

    Taasi waa dabin. Waana mid khatar ah maxaa yeelay waxay u egtahay shaqo.

    Dhibaatada "Mashquulka"

    Waa kan sida productivity been ah uu u eg yahay nolosha dhabta ah:

    • Dib unashqadeynta page uusan wali qofna booqan

    • Samaynta Research 3 saacadood halkii aad 1 saac wax dhisi lahayd

    • Optimise garaynta system aan xitaa xallineyn caqabad dhab ah

    • Ka qayb galka calls anan waxba natiijo ah laheyn

    • Qorista 5 posts markii 1 qoraal oo fiican uu ka waxtar badnaan lahaa

    Midkoodna caajisnimo maaha. Waa dadaal dhab ah — laakiin bartilmaameed qaldan lagu aadiyay.

    Qaybta murugada leh? Bulshadu way abaalmarisaa arrintan. Waxaad u muuqataa qof shaqadisa ku dadaalaya.

    Laakiin dadaal aan jiho lahayn maaha discipline. Waa distraction qaali ah.

    Xaqiiqada 80/20

    Xeerka Pareto wuxuu leeyahay 80% natiijooyinkaaga waxay ka yimaadaan 20% shaqadaada.

    Dadka intiisa badan arinkan wey iska indho tiraan

    Maxaa yeelay waxay ka dhigan tahay in waqtigaga, inta badan waxa aad samaynaysaa aysan macno weyn samaynayn.

    20% macnaha samaynaya? Caadiyan waa wax dhib badan. Waa waxa aad mar walba berrito u dib dhigayso. Wada hadalka aad ka fogaanayso. Feature-ka dhab ahaan u baahan in la ship-gareeyo. Hal su'aal oo daacad ah oo aadan wali weydiin users-kaaga.

    80% kale? Si fudud ayay u socotaa. Waa secondary task. Qofna kuguma dhaliilayo.

    Waa Taas sababta dhabta ah ee ay waqtigaaga u xado.

    Horumarku Wuxuu Leeyahay Imtixaan Fudud

    Is weydii su'aashan dhamaadka maalin kasta:

    Ma jirtaa wax gaaray qof dhab ah maanta?

    Maaha "miyaan wax ka shaqeeyay." Maaha "miyaan horumar ka sameeyay doc-ga." Ma jirtaa wax — message, product update, content aad abuurtay, ama wada hadal — oo dhab ahaan gacmahaaga ka baxay oo meel dhab ah gaaray?

    Haddii jawaabtu tahay maya , waxba ma sameyn.

    Xalka Dhabta ah

    Uma baahnid system adag. Waxaad u baahan tahay 1 su'aal oo daacad ah subax kasta:

    "Waa maxay hal shay oo, haddii aanan wax kale qaban maanta, wali ka dhigaya usbuucan mid macno leh?"

    Taas horta samee. U ilaali sidii wax weyn. Kadib samee wax kasta oo kale.

    Inta badan, inta ka dhiman liiskaaga waxay hoos u dhici doontaa in ka badan kala bar marka aad ship-garayso waxa dhab ahaan muhiimka ahaa.

    Shaqo adag wali waa muhiim — laakiin kaliya sidii multiplier ahaan. Ku dabaq 20% saxda ah si dhaqso ah ayayna isugu dardarmaysaa. Ku dabaq 80% qaldan waxaad kaliya urursanaysaa daal adigoo niyadaadu dagan tahay.

    Hadafku maaha inaad si adag u shaqeyso. Waa inaad noqoto mid daacad ah si aad uga shaqeyso waxa saxda ah.

    A
    Qoraaga

    abdishakuuralimohamed

    Waa maamulaha iyo qoraaga ka tirsan kooxda Garaad STEM. Waxa uu halkan kula wadaagaa aqoontiisa iyo khibradiisa ku aaddan technology-da.

    Ku biir liiska aqristayaasha

    Hel ogeysiisyada qoraalada cusub isla marka la daabaco.

    Qoraaladaan xiiseey

    Geerida Syntax-ka iyo Guusha Garaadka

    Geerida Syntax-ka iyo Guusha Garaadka

    3/16/2026
    Hal Saac Maalintii: Ma haysataa waqti aad Code ku barato?

    Hal Saac Maalintii: Ma haysataa waqti aad Code ku barato?

    3/13/2026
    Ma Samayn Karaa Tan?

    Ma Samayn Karaa Tan?

    3/11/2026
    Garaad

    Alaabta

      Explorer — €29/bilKoorsooyinBlog

    Shirkadda

    • Nagu saabsan
    • Shaqo

    Xiriir

    • Info@garaad.org
    • garaad.org
    Shuruudaha IsticmaalkaSiyaasadda Sirta
    FacebookTwitterLinkedInGitHub

    © Garaad, Org. Barnaamijku waa mid loogu talagalay dadka Soomaaliyeed, isagoo diiradda saaraya STEM.

    Made with love in somalia 😊